Warqad Sir Ah Oo Isweydaarsadeen Wasiir Xassan Gaafaadhi iyo Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa iyo Sababta
XIsbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa banaanka keenay warqad sir ah oo laga helay wasiirka caafimaadka ee Somaliland Xassan Gafaadhi, kaas oo ku saabsan amar diido lagu sameeyey.
Warqaddan ayaa uu wasiirku u direy agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeysa, waxaana ku ogaysiiyey in gabadh lagu magacaabo Xamda Muuse Xassan oo shaqaalaha wasaaradda kamid ah loo badalo qaybta umulisoooyinka ee cusbitaalka guud madaama oo ay tahay shaqaale wasaaradeed.
Waxaana agaasimaha guud oo warqaddan jawaab kasoo bixiyey uu wasiirka u sheegay in aanay samayn karin arintaasi, meelna u hayn gabadhan wasiir Gaafaadhii dhankiisa ka socota. Waxaana uu sheegay in aanu u haynin boos uu ku badalo madaama oo ay buuxdo cusbitaalku.
Talaabadan amar diidada ah ayaa si wayn loogu hadal hayaa saacadihii u danbeeyey baraha bulshada,iyada oo wasiirka lagu tilmaamay in laga awood sareeyo madaama oo uu agaasimaha guud uu samaynayo amar diido toos ah.
inta badan agaasimaha guud ee cusbitaalka ayaa waxa soo magacaaba madaxwaynaha Somaliland, waana inta badan halka ay ka haystaan awooda dheeraadka ah madaama oo aanu wasiirku xil ka qaadis ku samayn karin.