Weriyihii caanka ahaa Ee Larry King Oo U Geeriyooday Cudurka Coronavirus

Suxufigii weynaa ee Larry king ayaa ku dhintay isbitaal ku yaala magaalada Los Angles ee dalka Mareykanka.

Larry oo ahaa 87 jir ayaa u dhintay xanuunka karoonha, wuxuuna lahaa barnaamij la odhan jiray Larry king live oo lagu wareystay dadka adduunka saameynta ku leh, isagoo qaaday in ku dhow 50 kun oo wareysi.

Qoyska Larry ayaa xaqiijiyay in dunida uu ka tegay suxufigan oo mudo ku dhow 60 sano wariye ahaa .

Wuxuu sanadkii 1933 ku dhashay Brooklyn oo ka tirsan magaalada New York .

Larry wuxuu sheegay mar uu taariikhdiisa ka waramayay in uu jeclaa saxaafadda laga bilaabo markii uu shan jir ahaa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker