Haweeney U Dhalatay Dalka Mali Oo Si mucjiso ah u dhashay sagaal mataano ah

Haweeney 25-sano jir ah oo u dhalatay dalka Mali ayaa isbitaal kuyaala dalka Maroko mar qura ku umushay sagaal caruur ah , waxaana dhacdadan noqotay mid hadal heyn badan ka abuurtay daafaha dunida.

Halima Cisse oo 25 sano jir ah ayaa horey baadhitaano loogu sameeyay lagu ogaaday in ay wado todobo caruur ah ,balse markii dambe dhashay sagaal caruur ah oo isugu jira shan gabdhood iyo afar wiil.

Dhaqaatiirta isbitaalka kuyaala dalka Maroko ayaana hooyadan qaab qaliin ah uga soo saaray caruurtan, waxaana dhaqaatiirta sheegeen in hooyada iyo caruurtaba xaaladooda ay fiican yihiin.

Wasiirka caafimaadka ee Mali, Fanta Siby, ayaa warbaahinta u sheegtay in dowlada gacan ka geesatay sidii hooyadan loola socon lahaa xaaladeeda caafimaad iyada iyo caruurteeda, waxa ayna xustay in hada xaaladooda ay u fiican yihiin.

Warbaahinta iyo baraha bulsjada ayeyna hadal heyn badan ka abuurtay hooyadan nasiibka badan ee mar qura dhashay sagaal caruur ah, waxa ayna dadka siyaabo kala duwan uga hadleen sheekada hooyadan caruurta badan mar qura dhashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker