Guddoomiyihii Degmada Hodan oo lagu dilay Magaalada muqdisho

Magaalada muqdisho lagu dilay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Degmada Cabdixakiin Dhagajuun.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Marxuumka ay dileen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda, waxaana lagu dilay wadada loo yaqaanno jidmariixaanka xilli uu halkaasi marayay.

Dilka Guddoomiyaha waxaaa gaystay sida la sheegay Askar ka tirsan Saldhigga Degmada Howlwadaag, kuwaasi oo Rasaas hugiyay Gaariga uu la socday Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin, mana la shaacin sababta rasmiga ah ee Askarta ku kalliftay in ay dilaan Marxuumka.

Shalay  ayuu dalka dib ugu soo laabtay, waxaana dhawanahaan xaaladdiisa Caafimad lagu dabiibayay dalka Turkiga kadib markii kal hore Qarax lala beegsaday, waxaana uu kasoo kabtay dhaawacaasi isagoo isla maanta shaaciyay in howlihisii shaqo uu billaabayo, kadib Qoraal uu soodhigay bartiisa Facebook-ga.

Ma jirto wax faah faahin intaa dheer oo laga helayo dilka caawa loo gaystay Alle ha u naxariistee Cabdixakiin Dhagajuun Guddoomiyihii Degmada hodan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker