Xildhibaan Loo Dhaariyey Booskii Golaha Wakiiladda Ee Uu Iska Casilay Xildhibaan Saleebaan Bukhaari

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Md Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta si rasmiya u dhaariyey Xildhibaan Axmed Cali Warsame oo ka mid noqonaya Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee Wakhtigiisii sii dhammaanayo.
Xildhibaankan Cusub ayaa Buuxiyey Booskii uu iska Casilay Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo daraad baneeyey booska, Kadib markii uu Madaxweyaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay Koomishanka Cusub Ee Caymiska Qaranka.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali, ayaa Sidan ku Sheegay Qoraal kooban oo uu soo dhigay Barta ay Maxkamadda Sare ee Dalku ku leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook,  Qoraalkaas  ayaa  u dhignaa Siddan:—
“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20/01/2021-ka, dhaariyay mudane Axmed Cali Warsame, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya xildhibaanada golaha Wakiilada JSL.
Xildhibaan Axmed Cali Warsame ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Sanaag, komishanka doorashooyinka qaranka oo tixraacaya qodobka 78, faqradiisa 2-aad ee xeerka doorashada golaha wakiilada JSL Xeer Lr. 91/2020, oo sheegaysa nidaamka loo buuxinayo jagada ka banaanaata golaha wakiilada, waxa uu u soo xulay mudane Axmed Cali Warsame oo ah kaydka saddexaad ee xisbiga UCID in uu buuxiyo jagadaasi.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 19-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in loo dhaariyo mudane Axmed Cali Warsame jagada ka banaanaatay golaha Wakiilada.
Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaanka in uu qaranka ugu adeego si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday”.
Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare ee JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker