In Ka Badan 400.000 Qof Oo Covid-19 Awgii Ugu Geeriyootay Maraykanka

Daraasad kasoo baxday Jaamacadda Johns Hopkins ayaa sheegtay in tirada dadka uu cudurka Covid-19 ku dilay Mareykanka ay Talaadadii shalay kor u dhaaftay 400,000 oo qof.

Tirada dhimashada ee cudurka ayaa kor u sii kaceysay tan iyo fasaxii ciidda Masiixiga ee Mareykanka. Saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay oo kaliya in ka badan 63 kun oo qof ayaa cudurka ugu dhimatay guud ahaan Mareykanka.

Gobollada Michigan, New Jersey, New York, Oregon, South Carolina iyo Vermont ayaa sheegay in dawada tallaalka xanuunka Covid-19 uu gabaabsi ka yahay, una baahanyihiin doosas badan oo ah tallaalka ay soo saareen Pfizer-BioNTech iyo Moderna.

Warbixinta ayaa sheegtay in 18 gobol oo ay ku jiraan California, Pennsylvania, Texas iyo Washington ayaa bishan January diiwaangeliyay kiisaskii dhimasho ee ugu badnaa.

Madaxweyne Joe Biden oo maanta oo Arbaca ah loo dhaarin doono xilka, ayaa ajandaha kowaad ee xukumaddiisa ka dhigay la dagaalanka xanuunka Covid-19. Wuxuu ballan qaaday in qof walba oo ku nool Mareykan laga tallaali doono xanuunka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker