Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada JSL oo maanta u yeedhay Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland

Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay masuuliyiinta wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland oo ay weheliyaan madaxda qaar ka mida waaxyaha wasaaradaas ay ka xogwaraysteen shaqada ay qaranka u hayaan, waxaanu intaas ku daray in arrimaha ay kulankaas ku lafo-gureen ay ka mid ahaayeen habraaco iyo xeer nidaamiyeyaal dhanka isgaadhsiinta ah oo wasaaraddaasi ay soo saartay, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tarayaan wada shaqaynta guddida dhaqaalaha, shirkadaha ka shaqeeya arrimaha isgaadhsiinta iyo wasaaradda isgaadhsiinta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker