Madaxweynaha Somaliland oo nidaamkii Ka Badalay Laba Hay’addo oo Madaxbanaa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/WM/222-005/122024 iyo JSL/XM/WM/222-006/122024 oo dhignaa sidan;-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadannimada
Jamhuuriyadda Somaliland
Markii aan arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Muhiimmada ay leedahay in la mideeyo hawlaha gargaarka baniโaadannimada ee la gaadhsiiyo dadka barakacayaasha ah iyo qaxootiga dalka ku sugan ee ay fuliyaan hayโadaha dawladda iyo hayโadaha kale ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba;
Markii aan Arkay: Baahida loo qabo in kor loo qaado nidaamka maamulka iyo maaraynta hawlaha gargaarka baniโaadannimada, si la iskugu duwo hawlaha taakulada ah ee ay Hay’adaha Qaadhaan-bixiyeyaashu dalka ka fuliyaan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan goโaamiyey;
1) In Hayโadda Qaxootiga iyo Barakacayaashu ay noqoto Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadannimada oo ka masโuul noqonaysa maamulka iyo maaraynta hawlaha gargaarka baniโaadannimo ee dalka.
2) In shaqaalaha iyo hantida hayโaddii hore ee Qaxootiga iyo Barakacayaashu ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadannimada JSL
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada
Markii aan arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan Arkay: Mihiimmada ay leedahay in Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu si buuxda u nidaamiyo oo u maamulo hawada sare ee dalka si waafaqsan Mucaahadda Caalamiga ah ee Duulista Madaniga;
Markii aan Arkay: Masโuuliyada Xukuumadda ka saaran kor u qaadidda ganacsiga duulista madaniga ah iyo horumarinta Madaarrada Dalka, si ay uga qayb-qaataan horumarka dhaqaale ee dalka;
Markii aan Tixgeliyey: Baahida loo qabo in duulista madaniga ah ee dalku ay waafaqdo oo la jaanqaado heerarka caalamiga ah ee duulimaadyada madaniga, si loo soo jiito maalgashiga duulista madaniga ah, loona fuliyo heshiisyada duulista madaniga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ay qayb ka tahay
Waxa aan goโaamiyey;
1) In Hayโadda Duulista iyo Madaarradu ay noqoto Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada oo yeelanaysa Masโuuliyadda Maamulka iyo Maaraynta Hawlaha Duulista Madaniga ah iyo hoggaaminta qorshayaasha lagu horumarinayo Madaarrada Dalka.
2) In shaqaalaha iyo hantida hayโaddii hore ee Duulista iyo Madaarradu ay noqdaan shaqaalaha iyo hantida Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland