Afar Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Garasbaalay ee duleedka magaalada Muqdisho.
Waxaa Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhashay qarax miino oo barqannimadii Maanta lala eegtay gaadhi ay saarnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxaas ayaa ka dhacay agagaarka xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, iyadoona lala beegsaday gaari Qooqan oo ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenkii amniga iyo siyaasadda Garasbaaleey iyo Guddoomiyihii dhalinyarada deegaankaas.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Haashim Maxamed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 4 Qof, halka 6 ruux kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Madiina.
Dadka ku geeriyooday qaraxaas ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii amniga iyo siyaasadda Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin (Cali Yare), Guddoomiyihii dhalinyarada deegaankaas Cabdirashiid Cali Dubbad iyo Darawalkii gaariga ku waday.
Guddoomiyihii Ururka dhalinyarada deegaanka Garasbaaleey Marxuum Cabdirashiid Cali Dubbad ayaa waxaa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aad u firfircon, sidoo kalena kasoo shaqeeyey mid kamid ah Idaacaddaha ku yaalla Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayey ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay xaafadda Xoosh, iyadoona ay sheegay inay ku dileen Cali Maxamed iyo Cabdirashiid Dubbad.




