Joe Biden Oo Laalaya Xayiraada Socdaalka Uu Trump Saaray Dalal ay Soomaaliya Ku Jirto

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu saxeexo dhowr digreeto saacadaha ugu horreeya, marka xilka loo caleema saaro Arbacada soo socota.

Sida uu sheegay ninka uu u xushay inuu noqdo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Biden ayaa amarrada madaxweyne ee uu saxeexi doono Arbacada ay intooda badani noqon doonaan kuwo uu ku burrinayo amarro uu horay saxeexay madaxweyne Donald Trump.

Kuwa ugu horreeya uguna waa weyn ayaa waxaa ka mid ah laalista xayiraada socdaalka ee uu Trump saaray dalal dhowr ah oo intooda badani Muslimiin ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.

Waxaa sidoo kale digreetooyinka ka mid ah kuwa lagu amrayo dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris, iyo inuu waajib ka dhigo in maaska afka lagu daboolo lagu xirto dhamaan xarumaha dowladda federaalka.

Biden iyo ku xigeenkiisa, haweeneyda la yidhaahdo Kamal Harris ayaa la wareegi doona talada xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka 20-ka bishaan oo ku beegan Arbacada soo socta.

Madaxweyne Trump ayaanan ka qeybgali doonin xafladda caleema-saarka madaxweynaha isaga baddali doona.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker