Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu xiray gaari Hilux- ah oo la sheegay in uu saarnaa nin Turki ah, kaas oo uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe u geeriyooday.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani uu ahaa Injineer, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Mustafa.

Ciidamo ka tirsan kuwa amamaanka aya gaaray goobta, kuwaas oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee dowladda oo ku aadan qaraxaasi.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli bisha Ramadaan si aad ah loo xoojiyay amniga M/Muqdisho oo ay howlgallo ka wadaan Ciidamada ammaanka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker