Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliya in ay dib u Eegis Ku samaeeyaan go’aankii ay ka qaateen arrimaha ka dhaxeeya Jabuuti iyo Eretria.

 

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu kaga hadlay hadal dhowaan kasoo yeedhay dowladda Jabuuti ee ku aadanaa safarkii madaxweyne Farmaaajo ee Eretria.

Xasan ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal Soomaaliya u huray naf iyo maal, islamarkaana aanay sahlaneyn dhulka ka maqan, sidoo kalena ay mudan yihiin in loo hiiliyo.

Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu madaxweyne hore Xasan ugu baaqay iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankii ay ka qaateen arrimaha ka dhaxeeya Jabuuti iyo Eretria.

Halkan hoose ka akhriso hadalka Xasan Sheekh.

Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.

Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda, suurtagal nagama aha in ay nala sahMlanaato Maqnaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay, waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha Hiil Walaal ee naftooda Soomaaliya u huray, dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.

Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan nafta, Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.

Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa caruur ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya, sidoo kale meeqa Marwo ayaa seygii ay jeclaayeen ku waayay Soomaaliya ama meeq Hooyo ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.

Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan Mowqifka ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.

Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:-

“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker