Xukuumadda Somaliland Oo Dib U Celinaya 12 Shaqaale U Dhashay Dalka Sri Lanka Oo

Sida uu qoray WargeyskaDailymirroree ka soo baxa dalka Sri Lanka waxaa socda qorshe 12 Shaqaale u dhashay dalkaasi oo muran dhinaca Shaqada ugu xayiran  Somaliland dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

 

 

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sri Lanka ayaa lagu sheegay inay Shaqaalahaasi Muhaajiriinta ah ku go’doonsan yihiin Somaliland .

 

 

Wasaaraddu waxay sheegtay inay dib u soo celinta  Shaqaalahaasi ay isku duwayso Safaaradda Sri Lanka ku leedahay magaalladda Addis Abeba ee dalka Ethiopia, iyadoo taageero ka helaysa Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta  (The International Organization for Migration (IOM).

“ Safaaradda Sri Lanka ee magaalladda Addis Abeba waxay kala shaqeynaysaa Xafiiska Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM) ee magaalladda Hargeysa oo soo faragelisay wada-xaajood lala leeyahay Loo-shaqeeyaha ay Muwaadiniinta Sri Lanka u shaqeyn jireen, si loo xaliyo muranka dhinaca Shaqada iyo in la hubiyo sii-dayntooda iyo Tas-hiilaadka sidii ay iyagoo nabad ah ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sri Lanka.

 

 

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inaysan Dowladda Sri Lanka wax xdhiidh  Diplomaasiyadeed la lahayn Somaliland iyo Qunsuliyad u joogta midnaba.dhinaca kale, Dowladda Sri Lanka waxay ku bogaadisay Hay’adda IOM doorka ay ka ciyaartay Taageerida Dowladda iyo Dadka Sri Lanka, khaas ahaan dhacdooyin badan oo arrintan oo kale ah.

 

 

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sri Lanka waxay ku boorisay dhamaan Muwaadiniintooda inay ka taxadiraan inay ka shaqeeyaan Xuduudaha Khatarta oo aysan Sri Lanka ku lahayn Deganaansho Diplomaasiyadeed iyo Qunsulliyad midnaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker