Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Gaadhay Jiida Hore ee Tukaraq Iyo Deegaano kale

Wefti uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa kor meeray qaar ka mida degmooyinka iyo goobaha ay ka socoto diwaangelinta kaadhka codbinta ee gobolka Sool.

Sida uu ku soo waramaayo Weriyaha wakaaladda wararka Gobolka Sool Libaan Qaran, wasiirka iyo waftigiisu deegaanadda ay kormeereen waxaa ka mid ah Tuko-raq, Ganbadha, Hig-lada, iyo deegaano kale.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa goobahaasi uu marayay bulshada ku baraarujinaayay in ay is diwaan geliyaan oo qaataan Kaadhka codaynta, wasiirka iyo weftigiisa ayaa sidoo kale kulano la qaatay odayaasha iyo waxgaradka deeganadaasi iyaga soo dhaweeyay weftiga wasiirka sidoo kalena sheegay in ay si weyn uga qayb qaateen wacyigelinta bulshada si ay isu diwaan geliyaan.

Diwaan gelinta Codbixinta ayaa si habsami ah uga socota Degmooyinka iyo deeganada kala duwan ee gobolka Sool, iyada oo ay halkaasi ku suganyihiin masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Asxaabta qaranka oo bulshada ku wacyigelinaaya in ay qaataan Kaadhka Codaynta.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker