Musharaxiinta Mucaaradka Soomaaliya oo baaq digniin ah u diray beesha caalamka

Musharraxiinta mucaaradka ee madaxweynennimada Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin cawaaqibka waxa ay ugu yeereen sida xun ee Villa Soomaaliya u maamushay hannaanka dooarshada.

Warqad ay u qoreen beesha caalamka ayaa  xubno ka tirsan mucaaradka, ayey musharrixiintu ku sheegeen in baaqa dawladda ah ee in doorashada lagu qabto gobollo kooban ay si aan laga soo waaqsan karin u kala qoqobayso waddanka, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxaa sidoo kale ay musharraxiintu ku sheegeen qoraalkaasi in ujeeddada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay tahay inuu fursadii codkooda seejiyo qaybo waaweyn oo ka mid ah waddanka.

Musharraxiintu waxay sheegeen inay ku baqayaan in si degdeg ah loo gaaro heshiis ilaalinaya kalsoonida lagu qabo nidaamka doorashada, waxayna sheegeen in loo baahan in la isla meel dhigo naqshad horseedaysa hab caddaalad ah oo sharci ah oo lagu soo xulo xubnaha guddiga doorashada.

Mucaaradku waxay sheegeen inay diyaariyeen liiska xubno ay tahay in laga saaro guddiga doorashada, sida ay sheegeen.

Waxay sidoo kale musharraxiintu ku baaqeen inay degdeg kulan u yeeshaan guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo odayaasha dhaqanka iyo wakiillada ugu sarreeya ee dawladda federaalka ku jira ee matalaya Somaliland, si ay iskula xulaan xubnaha guddiga doorashada Somaliland iyadoo aan madaxweynuhu faragelin.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in dawladdu go’aansatay inay qabato doorasho si looga baaqsado ayuu yiri faaruq. Sidoo kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in dhexdhaxaadin uu waday aysan miro dhalin uh.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker