Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Norway Oo Bulshada Somaliland Ugu Baaqay In AY Isdiwaan-geliyaan.

Xoghayaha dhaqaalaha Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Norway iyo xubno kale ayaa gudiga Doorashooyinka qaranka ee Somaliland ku hambalyeeyey hirgelinta diwaangelinta Kaadhka Codbinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka.

Xoghayaha dhaqaalaha Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Norway Shucayb Yaasiin Maxamed iyo Mujaahid C/laahi Saleebaan Bidde, ayaa bulshada Somaliland u soo jeediyey in ay is diwaangeliyaan oo qaataan Kaadhka Codbixinta doorashooyinka, iyaga oo tilmaamay muhiimadda uu ay doorashooyinku u leeyihiin Somaliland.

Waxayna labadan masuul si gaar ag baaq ugu direen bulshada Somaliland ee ku dhaqan gobollada Bari ee dalka, iyaga oo sheegay in qaadashada Kaadhka Codayntu ay meesha ka saarayso tabashooyinkii golayaasha qaranka isla markaana loo baahan yahay in bulshadu dhexda u xidhato sidii ay u qaadan lahaayeen Kaadhka Codaynta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker