VOA: Somaliland Sacad Muusaa ugu Mudan, Saxafi cid kale ahina ma Jiro

Dadku hadday idin dhegeystaan oo warkiinna qaataan inaad ixtiraamtaan ayaa habboon, inaad caqligooda ku ciyaartaan ma habboona oo intaad Board u soo samaysaan wiil Camerman ah, uu Barkhad Maxamed Kaariye u sheego bulshada inuu yahay qofkii bedelay, taasi waa caqliga umadda oo lagu cayaarayo, runtuse waxay tahay.

VOA maaha warbaahin tartan xalaala lagu helo shaqadeeda hase ahaatee waa qofka uu caashaqo masuulka meesha haysaa, Cabdiraxmaan Yabarow, kuguma haysanno xafiiskaaga. aan dib idiin xasuusiyo, 2010 waxaa Hargeisa ka shaqayn jirey Ismaaciil Farjar iyo Saha Ciidle, markii ay Washington u dhooftay Sahra Ciidle waxaa booskeedii bedelay Nimco Samriye oo ay isku reer yihiin (Sacad Muuse) Sahra Ciidle weliba jifo hoose, markii Nimco Samriye ka tagtay waxaa bedelay haddana Cabdixakiin Shirwac oo isla reerkaas ah, qof saddexaad ayaa kusoo biiray VOA, isna waxaa la qoray Hodon Cajabay oo Sacad Muuse ah, markii Ismaaciil Farjar uu aaday Washington waxaa lagu bedelay Barkhad Kaariye oo Sacad Muuse ah, markii Shirwac uu tegey Washington haddana waxaa lagu bedelay Sagal Mustafe oo Sacad Muuse ah, haddana waxaa loo baahday qof saddexaad waxaa la qaatay Xasan Maal oo Sacad Muuse ah, markii Xasan Maal la xidhay ayaa haddana waxaa si kumeelgaadh ah u sii shaqaynayey Xamse Jeesto (Haatan ayaa laga dhigayaa weriye cusub oo la qaatay). Markii Barkhad Kaariye shaqada ka tegey waxaa lagu bedelay, Khadar Maxamed Cakulle oo isna Sacad Muuse ah.

Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii doonay inay ku biiraan VOA markii Barkhad ka tegey, waxaa lay sheegay inaan imtixaan la qaadin ee xulasho ay tahay oo Yabarow uu xusho, haddana waxaa lay sheegay inaan Sagal Mustafe la xidhiidho, waan la hadlay, wixii ay sagal ii sheegtay halkan kaga warami maayo, ugu dambayn waxaan ahaa dadkii fariintoodu gaadhay Yabarow. intii xulashadu socotay ayaa nin aanu saaxiibo nahay igula kaftamay, waar Yabarow reer Burco ma jecla ee Sacad Muuse ayuu siinayaa booskee maxaad iskaga daalinaysaa???? Sidii ayayna u dhacday.

Haddaba waanu idinka xishoonay, oo idinka aamusnay, markaasaad iskaaya tusaysaan, haddaad bilawdeen inaad caqligayaga caydaan, annaguna ogaada inaanu u ololaynayno runta inaanu soo bandhigno.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed weydiinayaa, waan ogolahay in dad isku reer ahi ay Imtixaan ku yimaadaan goob shaqo hase ahaatee macquul may tahay in dhammaan dadka soo maray 10-kii sano ee ugu dambeeyey, VOA ee dhinaca Somaliland inay hal reer noqdaan, marka laga saaro hal qof, Suurtogal ma tahay in Barkhad Kaariye, Sahra Ciidle, Cabdixakiin Shirwac, Sagal Mustafe, Khadar Cakulle, Xasan Maal, Hodon Cajabi iyo Nimco Samriye inay dhammaantood ka soo jeedaan Sacad Muuse??? Aaway dadkii kale??? ma heshiis reereed ayaa jira in VOA ay danaha reernimo ka shaqayso, shaqaalahana hal reer laga dhigo????? Miyaan aqbalnaa in weriyayaasha kale ee Somaliland ka soo jeeda ee aan reerkaas ahayn ama in shaqo hoose loo dhiibo sida Xamse Jeesto, Cameramanka cusub, qaar ay shaqada uga tagaan qabyaaladda reernimada ku dhisan, qaarna shaqada loo diido iyagoo xaq u lahaa. Aqbali mayno haddaba taas, VOA reereed ee waxaannu qaadanaynaa VOA qaran. Idaacaddaadu ha u waranto Reerka ay sidato magaceeda.

Siciid Hanaqaad
hanaqaad147@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker