Dawladda Itoobiya Oo Dayactir Ku Samaynaysa Masjidka Najashi Oo Burbur Soo Gaadhay

Dowlada Itoobiya ayaa balan qaaday in ay dhisi doonta masjidka qadiimiga ee boqor Al Nejashi kaas oo ku yaala gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya isla markaana waxyeelo ka soo gaadhay  dagaalkii u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo TPLF.

Sidoo kale waxaa la boobay agab badan oo masjidka iyo xafiisyadiidsa yaalay.

Itoobiya waxay sheegtay in koox quburo dhanka dhismaha ah ay u direyso qiimeynta dhibaatada gaadhay masjidka taariikhiga ah isla markaana ay dib u dhis u sameyn doonto.

Masjidkan oo ku yaala magaalada Wukro oo 800 Km u jirta Adis Ababa waa masjidkii ugu horeeyay ee qaarada Afrika laga dhiso.

Sidoo kale, waa halkii ay u hijroodeen saaxabadii rasuulka NNKH ka hor hijradii Madina.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker