Madaxweynaha Galmudug ”in wali Aanay Wax Jawaab ah Kasoo Noqon Saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa faah faahin ka ka bixiyay dadaalo ku aadan xal u helida khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa bilowga sanadkaan 2021.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in safaro kala duwan uu ka tegay Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Muqdisho, kuwaasi oo ku doonayay lagu xaliyo tabashooyinkii ka dhashay heshiiskii laga doorashada 17-kii September ee sanadii tegay ee 2020.

Waxaa uu sheegay in Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay uu ka dalbaday in dib loo dhigo soo gudbinta Liiska Musharaxiinta, isla markaana arrintaas uu ku rabay in lagu xaliyo tabashooyinka ay ka qabaan maamulada Puntland iyo Jubbaland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker