Somali Lagu Laayay Wadanka Sweden
Koox hubeysan ayaa Rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen Muwaadiniin Soomaliyeed oo ku taalla dalka Sweden, waxaana la sheegay in rasaastaas ay dhalisay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ku taallaa Xaafada Tensta oo ka tirsan Magaaladda Stockholm ee caasimadda Sweden,
Waxaana halkaasi ku geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed halka laba kale-na ay ku dhaawacmeen.
Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Sweden ayaa gaadhay halka dilka uu ka dhacay,
Waxaana, iyaga oo kaashanaya Soomaali kale oo meesha ku sugneyd ay goobta ka qaadeen meydka muwaadinka Soomaaliyeed iyo labada qof ee dhaawacmay.
Lama oga waxa ay ahaayeen Kooxda weerarka geysatay iyo sababta ka dambeeysa, hayeeshee Soomaalida ku nool Xaafada Tensta oo ka tirsan Magaaladda Stockholm ee caasimadda Sweden ayaa sheegay in arrintan ay soo laab laabatay, isla markaana ay cabsi dareemayaan.
Qaar kamid ah dalalka Yurub iyo Afrika ayaa Soomaalida inta badan looga geystaa dil iyo dhaca, waxaana ugu daran dalka Koonfur Afrika oo inta badan Soomaalida lagu dilo laguna boobo hantidooda.




