Shirkadda Flydubia Oo Cafis Weydiisatey Somaliland, Arrin Lama Filaana La Kulantey

Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai, ayaa sheegtay inay masuuliyiinta Somaliland la leedahay wada hadal ku saabsan sidii ay shirkadu duulimaadyadeeda dib uga bilaabi lahayd Somaliland, ka dib markii ay Somaliland shirkadaas ka joojisay inay timaado garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

 

Shirkadda Fly Dubai ayaa ka noqotay hawada Somaliland bishii March,iyadoo qaadatay amar ay dawladda Soomaaliya ku joojisay dulimaadyada, waxaanay Somaliland markaas ka dib shirkadda ku wargelisay in laga joojiyay duulimaadyadii ay ku iman jirtay madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Afhayeen u hadlay shirkada Fly Dubai ayaa u sheegay Warbaahinta CH-Aviation   inay Somaliland ka  joojisay duulimadyadii balse ay kula jiraan hadda wad hadal, “Waxaanu xaqiijin karnaa inay taasi dhacday waxaan sii wadeynaa wada-hadal furan oo arrintan lagala yeesho masuuliyiinta ay khusayso,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka shirkadda u hadlay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker