Madaxweynayaashii hore ee dalka oo loo diiday inay ka dhoofaan Aadan Cadde

Muqdisho (OWN) – Wararka naga soo gaadhaya Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in la diiday in madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ay ka  dhoofaan garoonka, ayaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Ee  Maamulka Garoonka ayaa labada mas’uul iyo xubnaha wafdiga Madasha Qaran ku war-geliyey inaysan diyaaraddooda ka duuli karin garoonka.

Wafdiga Madaxweynayaashii hore ayaa xilligan ku sugan qeybta VIP-da Garoonka, islamarkaana loo diidan yahay safarkooda Beledweyne.

Garoonka ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inuu goor-dhow ka dhoofo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna kusii jeeda magaalada Beledweyne.

Xogo laga helayo Maamulka garoonka ayaa Tibaaxaya in Madaxwaynaha Hirshabeelle uu Codsaday inaan Madaxwaynayaashii hore  iyo Xubno Siyaasiyiin ah  Loo ogolaan inay usoo Safraan Deegaanada Hirshabeelle  ,

Xubno ku dhow Xafiiska Kheyre ayaa Oodwaynemedia u sheegay inay Beledweyne ka heleen warar sheegaya in garoonka ay biyo fadhiyaan, oo aysan diyaarad ka degi karin.

Si kastaba, bixitaanka Kheyre iyo joogistiisa ayaa kala caddeyn doonta in arrintan ay tahay dhibaato ka taagan garoonka Beledweyne iyo inay tahay Xanibaad la saaray madaxdii hore ee dalka.

By Suxufi Sinyoore Hargaysa

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker