Afarta Qaybood ee Khubarada Cilmi Nafsigu u Qaybiyeen Dabeecadaha Dadka

Waa qaybtii saddexaad ee qaybihii uu Carl Jung u qaybiyey maskaxda, habdhaqanka iyo xaaladaha nafsiga ah ee aadamaha:

 

  1. Sahamiye – Ma yaqaaan waxba qarsoonaan kara

 

Waa shakhsi leh dhaqan jecel sahaminta, baadhista iyo soo saarista dhinaca qarsoon ee nafta aadanaha.

 

Kama dhaadhacsana in ay jiraan wax qarsoon oo weligood qarsoonaan kara, sidaas awgeed wax kasta waa uu dabagalaa oo baadhaa.

 

Shakhsiyadda noocan ahi waxa ay tusaale iyo bare u tahay aadanaha ku xeeran. Sababtu waa in baadhistiisa iyo sahamintiisu ay caawiyaan in qofk u uku dhiirado in uu barto naftiisa iyo nafaha uu la macaamilayo, in uu jawaab u raadiyo su’aalo la xidhiidha cidda aynu dhab ahaan nahay iyo waxa aynu adduunyadan ka doonayno.

 

In kasta oo shakhsiyaddani ay ka mid tahay kuwa ugu wanaagsan qaybaha uu Carl Jung aadanaha u qaybiyey,

 

Haddana ma ceeb la’a. tusaale ahaan waxaa shakhsiyad inta badan qabkeedu dago, oo xiddig ku dayasho mudan in uu yahay inta uu aamino kaddibna illaawa waxa uu run ahaan hayo iyo heerka dhabta ah ee uu nolosha ka joogo.

 

 

Waxa uu raadiyaa ama maan, maal iyo waqti ku lumiyaa raadinta yoolal aanay gaadhistoodu suurtagal ahayn, isaga oo nafta ku qancinaya in gaadhistoodu ay tahay waxa keliya ee uu kaga fiicnaan karo dadka kale oo dhan.

 

 

Waa dhab in yool dhigashadu ay guusha lama huraan u tahay, waana run in carinta nolosha iyo ku dhiirashada caqabuhu ay ka mid yihiin kaabadaha kor loogu gaadho yoolka.

 

 

Laakiin waxaa iyaduna xaqiiqo ah in yoolka uu qofku samaysanayaa noqdo mid uu daraaseeyey, hubiyey oo si fiican uu u yaqaanno suurtagalnimada gaadhistiisa isaga oo eegaya xaqiiqooyinka isaga qof ahaan ku xeeran. Dabcan waxaa ka mid ah,

 

Waqtiga, maalka, kartida, aqoonta, waayoaragnimada iyo hal-adayga oo dhammaantood siyaabo kala duwan muhiim ugu ah geeddiga uu qofku ku gaadhayo yoolkiisa.

 

 

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  1. Halkudheggiisa noloshu waa: Xorriyad waa aan awoodaa.
  2. Doonistiisa aasaasiga ahi waa: In uu barto qofka uu run ahaan yahay (Shakhsiyaddiisa).
  3. Yoolkiisu waa: Raadinta nolol ka sii fiican hadba midda u uku jiro.
  4. Cabsidiisa ugu weyni waa: In la sanduuleeyo ama gaadhistisa yoolkiisa teed loo dhigo ayaa cabsi ku haysao.
  5. Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: Socdaalo nololeed oo badan in uu galo, kuwo jidh ahaan uu u socdaalayo iyo kuwo maskaxeed labadaba, si uu wax badan uga barto dunida ku xeeran, iyo si uu uga badbaado daalka maskaxeed.
  6. Dareen celintiisa ku aaddan dhibaatooyinka soowaajaha: Mar kasta naftiisa runta ayuu u sheegaa, xaqiiqada ka hor timaaddana kama warwareego.
  7. Ceebihiisa: Bulshadiisuu qariib ku dhex noqdaa, keli ahaanshiyo ayuu dareemo, naftiisa ayuu doorbidaa, kumana fiicna ku taagnaanta ballanta iyo waajibaadka hawleed ee u yaalla.
  8. Waxa uu la gaar yahay / astaamihiisa: Shakhsi han badan, naftiisa in naftiisa ku tiirsanaado oo isku filnaanshiyo gaadhana jecel.
  1. Mucaashiq – Cid kasta kalgacal buu u hayaa

Shakhsigani waxa uu caan ku yahay dhammaan noocyada jacaylka. Ka bilow jacaylka waalidka dhalay iyo jacaylka waalidku ubadka u hay, illaa aad ka soo gaadho jacaylka lammaanaha dhex mara. Dhammaan jacayl oo dhan ayaa qalbigiisa ku weyn oo uu muhiimad gaar ah iyo qiime weyn siiyaa. Shakhsigani dadka ku xeeran ama uu hantiyo qalbigooda waxa u uku beeraa farxad. Soo dhoweynta, kalgacalka iyo xurmaynta dabeecadda u ah ayaa qofka ka agdhow ka caawinaya in uu ka gudbo duruufaha kakan ee nolosha.

Waa shakhsi mar kasta raadinaya jacayl dhab ah, haddii uu waayana kama hadho, mana ogolaado in uu marnaba ka fara baxo, balse waxa uu raadiyaa jid kasta oo uu ku gaadhi karo. Waxa uu ka cabsadaa in laga dheeraadp sidaas awgeed waxa uu ka dagaalamaa in cid dadka ku xeeran ka mid ahi ka fogaato.

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  1. Halkudheggiisa noloshu waa: Nolosha kuma arko wax aan ahayn qof aan jecelahay.
  2. Doonistiisa aasaasiga ahi waa: In uu helo Jacayl iyo soo dhoweyn ama ku dhowaanshiyo.
  3. Yoolkiisu waa: Farxad in uu gaadho.
  4. Cabsidiisa ugu weyni waa: Gooni joogga, nacaybka iyo in laga dheeraado ayaa ku haya cabsi joogto ah.
  5. Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: Waxa uu ku dadaalaa in jidh ahaan iyo dareen ahaanba uu noqdo qof dadka soo jiita.
  6. Ceebihiisa: Roomaansiyad iyo xidhiidh jinsi ayaa maan qaada, mana awoodo in uu xakameeyo dareenkiisa jinsiga ah.
  7. Waxa uu la gaar yahay / astaamihiisa: Kalgacal iyo qiiro jacayl oo joogto ah, iyo wacad oofin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker