Mdaxwaynaha Somaliland oo Maanta Qaabilay Wafti ka Socda.Dalka Koonfurta Africa

 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka Socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

 

Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku Wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed,

 

Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

 

Ujeedooda ayaa lagu sheegay in ay tahay qiimeynta xaaladdaha ay ku sugan tahay Somaliland.

 

Dhinaca weftiguna waxay ka koobnayeen

Mr Abner Mosaase

Mr. Malose Ramashala

Mr Allen Magumbi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker