“Mucjisooyinkii Tartankii Imtixaanka  Gobolada Ku Soo Aragnay, Waxa Ka Mid Ahayd Dad Walaalo Ah Oo Ku Wada Guulaystay Shaqooyinka, Maantase Waxaanu Hayna Lamaane Qoys Reer Saaxil Ah Oo Ku Wada Guulaystay…”Guddomiye Sharmarke Geelle.

Berbera-(OWM)-“Mucjisooyinkii Tartankii Imtixaanka  Gobolada Ku Soo Aragnay, Waxa Ka Mid Ahayd Dad Walaalo Ah Oo Ku Wada Guulaystay Shaqooyinka, Maantase Waxaanu Hayna Lamaane Qoys Reer Saaxil Ah Oo Ku Wada Guulaystay…”Guddo. Sharmarke Geelle

Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa kulan Hambalyo iyo Sabootin ah Magaaladda Berbera ugu qabatay 50-kii qof ee aqoonyahanka Hablaha iyo Wiilasha iskugu jiray ee Gobolka Saaxil ugu guulaystay Imtixaankii loo galay shaqooyinka dawladda ee Gobolkaasi laga qaatay.

Kulan lagu qabtay Xarunta Jaamacadda ee magaaladda Burco, ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Guddoomiyaha Jaamacadda Burco University Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa kulan iskugu jiray  Sabootin iyo Hambalyo halkaasi loogu qabtay 50-kii Aqoonyahan ee Gobolka Togdheer ku guulaystay inay soo baxaan Imtixaankii Shaqooyinka Dawladdu qaadatay, waxaana md Sharmarke Geelle dheedho muhiim ah oo uu u tilmaamay in u jeedka dawladdu ka leedahay Imtixaanka lagu shaqaalaysiinayo muwaadiniinta ku kala dhaqan gobolada dalku tahay si loo dareensiiyo shacabka inay ruuxda dawladnimadu tahay in muwaadin kasta deegaanka uu ku dhashay Caddaalad uu ku helo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo khudbad ka jeediyey kulankaasi ayaa erayo dhaxal gal oo dardaaran, dhiirigelin iyo hambalyo ah u diray 50-ka qof ee Imtixaanka shaqooyinka dawladda loo qaaday ku guulaystao waxaanu yidhi “Maanta waxa halkan ina hor fadhiya 35 Wiil iyo 15 Gabdhood oo gobolka Saaxil aqoonyahankiisii ah kuwaasi oo ku guulaystay tartankii Imtixaankii loo galay 50-ka Kaalmo shaqo ee dawladdu ka qaadatay gobolka Saaxil, waxaan aad iyo aad idiinku hambalyeynayaa dedaalka dheer ee aad u soo gasheen guusha aad maant haysataan ugu horeyn waxaan u hambalyeynayaa waalidkii idinku soo tabcay oo halkan idin soo gaadhsiiyey in aad maanta guushan hantidaan waxaan marka 2aad u hambalyeynayaa macalimiintii aqoonta idin soo baray in aad maanta ka mid noqotaan guulaystayaasha Tartanka Imtixaanka adag soo galay, marka saddexaadna waxa mahadnaqa iska leh Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo runtii nidaamka dawladnimada gaadhsiisay gobolada maamul daadejin iyo tartan xor, xalaal iyo xirfad ku dhisan ku dartano oo gobol walba oo dalka ah inta halkiisa loogu tago oo intii xaga joogta lagu tartamo isla markaana saameyn iyo dhaq dhaqaaq iyo wax khaldan midna aan lahayn lagu dhawaaqo iyada oo intii guulaysatay xor iyo xalaal ah, waxa xusid mudan gobol walba markii aanu maraynay in la arkaayey in gobolka taariikh wanaagsani ka dhacday oo gobolo hore oo aanu soo marnay waxaanu arkaynay dadwalaalo ah oo wada guulaystay, waxa xusid mudan in Lamaane Qoys ah oo reer Saaxil ahi ay 50 ka qof ee Imtixaankii shaqaalaha dawlada ku guulaystay noqdeen”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker