Dawladda Federaalka ah ee Somalia oo Urur Goboleedka IGAD u Gudbisay Dacwad ka dhan ah Kenya

Muqdisho (OWN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Qoraal ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, oo ah shir guddoonka madaxda IGAD.

Lama soo bandhigin Nooca qoraalka ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, balse wasaaradda arrimaha Debedadda Soomaaliya ayaa twitter-keeda ku baahisay qoraalkii loogu soo jawaab celiyey Soomaaliya, kaas oo tilmaamaya in madaxda IGAD la isugu balamiyey shir todobaad kadib ka furmaya Jabuuti, oo arrintan lagaga hadlayo.

 

“Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka ah Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk,

 

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda IGAD, ayaa Urur Goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ku qabanayaa Jabuuti 20 December,” ayaa lagu yiri qoraalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker