Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha . Barcelona oo Si wayn U Goobaysa Ciyaartoyga Lukas
Tababare Mikel Arteta ayaa u laqimay ciyaaryahannada kooxdiisa Arsenal dardaaran ku aaddan muhiimadda uu u leeyahay tartanka FA Cup ee wareeggiisa saddexaad ay maanta iskaga hor imanayaan Leeds United.
Arteta oo Arsenal kusoo biiray isaga oo ciyaartoy ah maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ee August 2011, waxa uu la kowsaday xilli ay Gunners la murugaysan yihiin mid ka mid ah guul-darrooyinkii ugu waaweynaa ee Soo gaadhay kooxda reer London, waxaanay ahayd ciyaartii 8-2 ay Manchester United ku burburisay gudaha garoonka Old Trafford.
Arteta waxa uu heshiiska saxeexay saddex maalmood kaddib guul-darradaas, xilli macallinkii waqtigaas ee Arsene Wenger laga dalbanayey inuu iskaga tago shaqada.
Arteta oo ogsoon dhibaatadaas iyo kuwo badan oo ka dambeeyey oo qaarkood uu goob-joog u ahaa oo Arsenal soo martay, waxa uu doonayaa inuu dhiso naadi taageereyaasha ka maydha mushkiladihii ay soo mareen, waxaana uu mar horeba soo nooleeyey niyadda jamaahiirta oo kalsooni buuxda helay markii ay Gunners 2-0 ku garaacday Man United usbuucii hore.




