Wadamo Ay Somalia ku Jirto oo Waayaya Codkii ay ku La Hayeen Fadhiga Golaha Ammaanka ee QM
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Todoba Dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobey ay Waayayaan codkii ay ku lahaayeen fadhiyadaย guud ee golaha Amaanka .
Afhayeenka Qaramada Midoobey Staphane Dujarric ayaa sheegay in Todoba dal oo ay Soomaaliya ku jirto ay ka mid noqdeen dalalka codadka buuxa ku waayayaย fadhiyadda golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Sababta waxaa uu Afhayeenku ku sheegay in Dawladahan ay bixin waayeen qaadhaan Sanadeedka Qaramada Midoobey, taasina ay keentay in fadhi gaar ah laga yeesho.
Afhayeenku waxa uu sheegay in xubnaha golaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka kooban 193 wadan in la goโaamiyay in dalalka Soomaaliya, Lubnaan, Venezuela, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Yemen, Gambia, Jasiiradaha Komoros iyo dalal kale inay waayeen codka buuxa oo ay fadhiyadda Qaramada Midoobey ku lahaayeen.
Wixii ka horeeya bisha September ee sanadkan ayay dawladahan Soomaaliya ku jirtaaย fursad u haystaan inay iska bixiyaanย lacagta qaadhaan Sanadeedka ah ee QM haddiiย ย Kale waxayย luminayaan codka ay QM ku leeyihiin.
Qodobka 19aad ee sharciga Qaramada Midoobey ayaa dhigaya in dalkii muddo 2-sano ah bixin waaya qarashka sanadka uu waynayo codkiisa uu fadhiyada ku leeyahay, hase yeeshee dawladaha waxaa u furan inay cudur-daartaan marka dhibaato qabsato.