Xildhibaan C/raaan C/laahi Fidaar Oo Magaalada London Kulan Kula Yeeshay Xildhibaan Gavin Williamson

Xildhibaan Cabdiraaan Cabdilaahi Fidaar, Ayaa Magaalada London Kulan Kula Yeeshay Xildhibaan Gavin Williamson Oo Ah Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Dalka Ingiriiska Isla Markaana Ah Xildhibaankii Qadiyada Madax-banaanida Somaliland Dhawaan Kaga Dhex Dooday Baarlamaanka Dalkiisa.
Kulanka Labada Xildhibaan Ayaa Maalintii Shalay Ka Dhacay Xarunta Barlamaanka Ingiriiska Ee Magaalada London, Waxaana Ay Ka wada-hadleen arrimo La Xidhiidha Qaddiyada Madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Xildhibaan Fidaar Ayaa Ku Dhiirigaliyay Isla Markaana Ku Hambalayay Gavin williamson Doorkii Shariifka Ahaa Ee Uu Ka Qaatay Sidii Ay Somaliland U Heli Lahayd Ictiraaf Ay Ka Hesho Dalka Ingiriiska Iyo Dunida Inteeda Kale.
Sidoo Kale Labada Masuul Ayaa Isla Qaatay In Maalmaha Soo Socda Ay Safar Wada Jira Ku Yimadaan Magaalada Hargeysa Ee Caasimada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Fidaar Oo Mudooyinkii U Dabeyay Safar Shaqo Ku Marayay Qaar Kamida Wadamada Qaarada Yurub Ayaa Waxaa Uu Kulamo Guulaystay La Qaatay Madax Kala Duwan Oo Ku Dhaa-dhiciyay Qadiyada Iyo Soo Yaalka Taariikheed Ee Jamuuriyada Somaliland, Waxaana Uu Maalmaha Soo Socda Imanayaa Magaalada Hargeysa Isaga Iyo Wefti Culus Oo Uu Hogaaminayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker