Maxaa Ka Jira In Shidaalka Soomaaliya Si Qarsoodi Ah Loogu iibinayo Dalka Turkiga

Wasiirka Batroolka Xukuumada Somalia C/rashiid Axmed, Maamulaha Hay’adda Batroolka Somalia Ibraahim Xuseen Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka Maxamed Cabdi Xaashi ayaa  ku sugan magaalada Istanbul dalka Turkiga halkaasoo ay u joogaan saxiixida heshiisyo cusub oo lagu iibinayo xidhmooyin ka tirsan shidaalka Somalia.

Warar  lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in masuuliyiintan ay dalka Turkiga u joogaan iney heshiisyo qarsoodi ah la saxiixdaan shirkad Liberty Petroleum State of Arizona Company oo ka diiwaan gashan dalka Maraykanka.

Heshiiskan ayaa la filayaa in shirkadan loogu saxiixo xidhmooyin ka tirsan shidaalka Somalia, iyadoo taas bedelkeed ay dowlada Somalia heleyso malaayiin Dollar, waxayna wararku sheegayaan in heshiiskan ay wax ka og yihiin madaxda DF oo xiligan si weyn ugu baahan dhaqaale, maadaama ay ku soo wajahan tahay doorasho iyo loolan siyaasadeed oo adag.

Shirkadda Batroolka Liberty waa shirkad saliid & tamar oo fadhigeedu yahay Mareykanka, waxayna qiyaastii 5 sano ka hor dalka Liberia la gashay heshiis dhigayey in la siiyo afar xirmo si ay shidaal uga baarto, waxaana heshiiskaas ka dib dalka Liberia ka dilaacay cudurka Ebola, kaasoo bishii Disembar 2014 dalkaas ku dilay ugu yaraan dilay 3,290 qof, iyadoo uu jiro tuhun badan oo la xiriira shirkadan iyo cudurka Ebola.
Wasaaradda batroolka Somalia ayaa waxay Turkiga u dooratay inay ka dhigto goobta lagu saxiixayo heshiiskan maadaama Soomaalida ay jecel yihiin dadka iyo dowladda Turkiga. Intaa waxaa sii dheer, si loo qanciyo Dadka Soomaaliyeed, shirkadda Liberty waxay iskaashi la yeelatay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Xukuumadda hadda ka jirta Somalia oo muddo xileedkeedii afarta sano ahaa ee dastuurka uu gebegebada yahay ayaa dooneysaa iney ka faaiideysato xiliga kooban ee ugu haray iyadoo dalku isu diyaarinayo doorashooyin.

Heshiiska ay Wasaaraddu dooneyso inay saxiixdo ayaa waxay ku heleysaa dowlada Somalia lacag gaareysa $ 2000,000, (Laba Malyan oo Doollarka Mareykanka ah) halkii Xidhmo , waxayna wararku sheegayaan in xirmooyinka shidaal ee shirkadan la siinayo laga dhacay shirkadda Soma Oil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker