Vinicius: “Cunsuriyadda igu socotaa waxa ay igu adkayn doontaa hor u socodkayga kubadda cagta”

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Brazil Vinicius Jr ayaa sheegay inuu dareemayo “yasmo iyo hoosayn” taas oo taabanaysa mustaqbalkiisa ciyaarista kubadda cagta, xilli uu la kulmayo cunsuriyad joogto ah.

Xilli ciyaareedkii hore waxaa jiray 10 dhacdo oo caynkan oo kale ah oo ka dhan ah 23 jirkan u ciyaara kooxda Real Madrid oo uu u gudbiyay dacwad oogayaasha La Liga.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo qiiro leh Isniintii, Vinicius ayaa isaga oo ooyaya sii raaciyey hadalkiisa in xaalka ku socdaa aanu ku qasbi doonin in uu ka tago Real Madrid iyo Spain, bal se uu ka guulaysan doono. .

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inay ku adag tahay “in uu horay u socdo” marka la eego xadgudubka ku socda.

Brazil ayaa wajaheysa Spain kulan saaxiibtinimo oo caalami ah oo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu ee Madrid Talaadada, taasoo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah cunsuriyadda iyadoo halkudheggiisu yahay ‘Hal maqaar’.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker