Somaliland oo lagu soo casuumay Shirka Afrika iyo Japan

Waxa si xushmad leh loogu soo casuumay Dalka yar ee curdinka ee barakaysan iyo Madaxweynihiisa dhawaan soo xajiyey shirweynaha la  isku arkay loona kala hadhin ee qaarada berito iminkana hilaaca bilowday ee Afrika iyo dalkay qoraxdu kasoo baxdoo sida qoraxdana u muuqda ee ah dal weynaha Japan.

Casuumadan iyada ah waxa si wadajira uga shaqeeyey soma jeestaha dar Allah Somaliland u jecel ee Madaxweyne  Alpha Condé iyo halyaayga geeska Afrika Madaxweyne Uhuru Kenyata isagoo arrinta u door muuqda ku lahaa Safiir Baashe Cawil Xaaji Cumar oo lagu wado inuu dhawaan noqodo Wasiira khaarajiga jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland  tasoo ay aad uga shaqeynayaan Eedo Amina Waris iyo eedo Khadra Maxamuud Xayd ……….. Warar sugan oo hoos loo helayaa waxay sheegayaan in dhawaan ina Dahabshiil  uu guursan doono Marwo Haybado Ismaciil  Cumar Geelle oo  ah inantii ay dhawaan kala tageen Mr. Anthony Wiener ka Jabuuti  wasiirkii dhoocilaha ka dhamaan waayey markaa farxada arooska iyo farxada wiilka wasiirka noqonaya waa in mushxaradu isku mar yeedhaa siday go’amiyeen labada xaajadood ee warkoodu marayo Xaajiga Muuse ah …… Yeelkeede.

Dal waynaha Japan waxay markii hore ka dhago adaygtay in wafdigu isticmaalo dal ku galka Somaliland waan waan kadib iyo dhexdhexaadin ka timi dhaxal sugaha imaraatka Sheekh Maxamed wuu ogolaaday dalweynaha guunka ee Japan in la isticmaalo basboorka Somaliland … ….

Wasiir khaarajiga Somaliland oo ah nin reer hawd ah ahlu sunna ah ayaa u bogi waayey liiska cuntada ee dalka Japan soo diray waayo dadka Japan waa dad nidaamsan maca waxa shirka lagu cunayo ayey soo sheegayaan……….. Wasiirku markuu arkay waxa la cunayaa inay yihiin kaluun qaydhin Sushi loo yaqaan wadaadkaa reer Sool wuu ka gaws adaygay ka qayb galka shirkaa  waayo kaluun shiilan ba lagama cuno hawdka mise waaba mid qaydhin oo khamri bariis laga sameeyey oo Sake ( sakee) la yidhaah lagu dul shubay ta kasii darani waa markii liiska lagu arkay Fugu-fish oo ah kaluun sun leh lakiin dabaakha xariifka ihi kasaari karo lakiin markaad cuntid lama oga inaad nolaan doontid iyo inay tahay tii kuugu dambeysay  intaa wasiirku markuu maqlay Idoorkuna iskataga lahaa waar armuu tigidhka  laguu jarayaa yahay hasoo noqon iyo Fugu-fish wadaadku markaa waa ka cudur daartay tagista Japan last minute daqiiqadii u dambeysay  Xaaji Muuse na daalkii xajkaa kusoo baxay Wasiir  Sacad Cali Shire na  sideeda maalimood ee soo socda wuxuu canshuurayaa hooyoyinka suuqa Waheen iyo Gobonimo tamaandhada ku iibiya waqti ma jiro …..

Sidaa awgeed shirkaa waa laga cudur daartay waxa lagaga qayb galayaa aaladaha elektronik ah .

ربنا لا تؤاخذنا بما فعل السفهاء منا

Source : Somaliland Patriots

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker