Xidhiidhka Dawladaha Kenya iyo Somalia oo Markale Xumaaday

Xidhiidhka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa mar kale sii xumaaday, kadib markii dowlada Soomaaliya ku amartay safiirka Kenya u jooga magaalada Muqdisho inuu dalkiisa ku laabto.

 

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha Debadda dawlada Soomaaliya mudane Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

 

 

Waxa uu sidoo kale Xoghayaha Wasaarada arimaha dibadda Soomaaliya sheegay in dowlada federaalka ku wargalisay safiirka Kenya u jooga Muqdisho danjire Lucas Tumbo in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

 

 

Dawlada Soomaaliya ayaa Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed

 

Taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

 

 

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawlada Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.

 

 

Go’aankasn kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada Kismaayo kusoo laabtay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si adag uga hor yimid sida dowlada u wado doorashada eedeyna u jeediyay Villa Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker