Kooxda Man United oo Ciyaartoygii ugu Badnaa ka Dhaawan yahay iyo Werwerka Kulanka Paris Gentlemen

Manchester United ayay lix ciyaartoy ka maqnaan karaan kulanka Champions League ee Garoonkeeda Old Trafford oo ay ku Qaabili Doonto Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain Arbacada usbuucan,

 

 

Laakiin waxa la filayaa in xiddig kale uu soo noqdo oo uu ka fudaydiyo dhaawacyada toddoba ciyaartoy oo hadda laga Dawaynayo Dhaawacyo Soo Gaadhay.

 

 

David de Gea ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee dhaawac soo gaadho, waxaana laga saaray kulankii Southampton ee Axaddii kaddib markii uu ku dhacay birta goolka isagoo isku dayayey inuu badbaadiyo goolkii uu Jamed Ward-Prowse ka dhaliyey, kulankii kusoo dhamaaday 2-3.

 

 

 

Waxa kale oo ciyaartan kaga dhaawacmay Man United difaaca bidix ee reer Brazil ee Alex Telles oo ka baxay garoonka waqti dambe, kaddib markii uu sii wadan kari waayay.

 

Paul Pogba oo kuraanta ka dhaawacn iyo Scott McTominay ayaa Isniinta maanta kusoo laaban kara tababarka kaddib markii ay labadooduba awoodi kari waayeen inay kasoo muuqdaan kulamadii Istanbul Basaksehir iyo Southampton oo ay tababarka si wanaagsan ula qaadan kari waayeen kooxdooda.

 

 

Waxa kale oo u raaca oo muddo sii maqnaan doona Luke Shaw oo muruqa ka dhaawacan.

Weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo kooxdiisa ula safray kulankii Southampton, hotel-kana la degganaa ayaa awoodi kari waayey inuu tago garoonka kaddib markii uu xanuunsaday, sida uu xaqiijiyey Ole Gunnar Solskjaer, laakiin waxa uu diyaar u noqon karaa kulanka PSG.

 

 

“Habeenkii oo dhan ayuu xanuunsanayay. Waxa kale oo uu jug ka qabay jilibka dushiisa, berri (maanta) ayaananu ku samayn doonaa baadhitaan. Waxa aan rajaynayaa inuu diyaar u noqon doono ciyaarta Arbacada” Ayuu yidhi Solskjaer.

 

 

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Ole tibaaxay in Paul Pogba iyo McTominay ay suurtogal tahay inay tababarka kusoo laabtaan. Sidoo kale, Phil Jones ayaan ku jiri doonin kooxdiisa ciyaarta PSG, halka Jesse Lingard uu isaguna noqonayo ciyaartoyga la filayo inuu soo laabto.

 

 

 

 

Si kastaba, Manchester United waxay u baahan tahay inay guul ka keento kulanka PSG si ay iskaga xaadiriso wareegga 16ka, balse haddii laga badiyo waxay waajihi karaan xaalad halis gelin karta fursadda ay ugu gudbi karayaan wareegga xiga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker