Milatariga Maraykanka oo Qirtay in Askar Badani kaga Dhaawacmeen Weerarkii Iiraan ku Qaaday Saldhigyadooda Ciraaq

Milatariga Maraykanka ayaa Khamiistii shaaciyey in koobiyo toban askari oo ka tirsan ciidamada laga dawaynayo “shoog” ka dib markii ay Iran sawaariikh ku weerartay saldhig ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Ciraaq.

Af-hayeen u hadlay taliska guud ee Marakanka oo ay wakaaladda wararka ee Rueters soo xigatay ayaa yidhi “in kasta oo aan cidina kaga dhiman dhacdadii 8 Jeeniweri markii Iran duqaysay saldhiga Caynal Assad ee cirka, in ay hadana jiraa askar tiro badan oo laga dawaynayo shoog iyo naxdin ka dhalatay duqayntaas oo ilaa haatan la dawadynayo.”

 

 

Waxaanu intaa ku daray “maalmihii weerarkaa ka dambeeyey, ayaa si looga hor tago dhib nafsiyadeed oo soo gaadhi karta askarta qaar mid ah loo qaatay isbitaallo ciidanka Maryakanku leeyahay oo ku yaal Jarmalka iyo Kuwait si baadhitaanno loogu sameeyo”.

 

Habeenimadii Arbacada ee 8 bishan Jeeniweri ayaa Telefishenka Iran sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanku uu ahaa mid loogu aargudayay Qaasim Suleimani.

Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay bartilmaameedsatay saldhigyo uu ku leeyahay Irbil iyo Al Asad ee gudaha dalka Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma cadda in uu jiro khasaaro ka dhashay weeraradaas iyo haddii uu jiro inta uu la eg yahay.

 

 

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in xaaladda ay wanaagsan tahay, saldhigyo Mareykanka uu leeyahayna lagu weeraray gudaha dalka Ciraaq, qiimeynna ay ku sameynayaan sida ay wax u dhaceen, dibna ay kasoo sheegi doonaan.

DAAWO: Muuqaalka weerarka ay Iran ku qaaday saldhigyada Maraykanka

Warbixin u soo saaray afhayenka aqalka cad ayaa lagu sheegay in arrintan ay ka war hayaan.

“Waan ka war qabnaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka.

Muuqaalladii duqaynta ee Telefishanka Iran baahiyey

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Javad sharif oo sheegay in Iran ay aargoosatay.

“Iran waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weerary muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena”, ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Iran ayaa u digtay wadamada xulafada la ah Mareykanka ee dalalkooda u oggolaaday in uu saldhigyo ku yeesho.

 

 

Madaxweeyne Donald Trump ayaa horay u sheegay in hadii ciidamada Mareykanka lasoo weeraro ay iyaguna weerari doonaan Iran, waxaase aan la ogeyn tallaabada xigta ee uu Mareykanka qaadi doona.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker