Dalka uu barafku ka qaalisanyahay rootiga iyo caanaha iyo kuleyl loogu dhintay

Dalka Mali oo dhaca qaaradda Afrika ayaa waxaa soo wajahay kulayl aad u heersarreeya, taasoo keentay in qeybo ka mid ah dalkaasi uu qiimaha barafka suuqyada ka noqday mid ka sarreeya kan rootiga iyo caanaha.

Korontada oo qaali ah iyo talaajado la’aan awgeed, waxay isticmaalaan barafka la xir-xiro.

Laakiin habkani wuxuu sidoo kale shaqeeyaa ilaa xad, laakiin kor u kaca qiimaha ayaa xaaladda ka dhigaya mid aad u adag.

Xaaladdan ayaa barafka ka dhigtay mid ka qaalisan rootiga. Rootiga caadiga ah waa 250 faran halka barafku uu yahay 300 ilaa 500 lacaga maxalliga ah ee dalkaasi laga isticmaalo.

Dhibaatadu waxay soo bilaabatay sanad ka hor markii shirkadda Korontada ee dowladda Mali ay ku guuldareysatay inay daboosho baahida sii kordheysa kadib markii lagu yeeshay balaayiin doolar oo deyn ah sanadihii ugu dambeeyay.

Koronto la’aantu waxay la macno tahay marawaxado la’aan habeenkii, taasoo dad badan ku khasabta inay seexdaan meel ka baxsan guryahooda.

Tan iyo bishii Maarso, heerkulka qaybo ka mid ah Mali ayaa kor u dhaafay 48 darajo Celsius, oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Goobaha qaar iskuulada ayaa la xiray taxadar awgii

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker