Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Oo Xabsiga u Taxaabay Cabdimaalik Muuse Coldoon

Ciidamada booliska Somaliland ayaa galabta Magaalada Burco ku xidhay Suxufi/Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon oo la sheegay in ay goobtiisa shaqo ka soo xidheen. Ma jiro war rasmi ah oo boolisku ka soo saaray xadhigga Mr Coldoon laakiin, waxa la arkayay Muuqaallo iyo sawirro muujinaya booliska oo xabsiga u wada Coldoon.

inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo laga hayo xadhigga Cabdimaalik Coldoon haddana waxa la rumaysan yahay in xadhiggiisu la xidhiidho Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Dugsiga Abaarso oo uu ku dhalliilay faafinta afkaar ka dhan ah Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker