Golaha Wakiillada Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Furmay Kalfadhigii 44aad

kalfadhigii 44aad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka furmay xarunta golahaas, ka dib markii ay mudanayaasha golahaasi ka soo noqdeen fasax ay ku jireen.

Fadhigaas oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudanayaasha golahaas loogu qaybiyey ajandaha kalfadhigooda 44aad, oo ay ka mid yihiin wax-ka bedelka iyo kaabista xeer madaxweynaha iyo baarlamaanka, wax-ka bedelka xeerka shaqaalaha Rayidka ah, miisaaniyadda qaranka ee 2021, xeerka ka hortaga iyo xakameynta, ka ganacsiga iyo Tahriibka dadka, xisaab xidhka 2018 ilaa 2019, xeerka Dekada Somaliland iyo xeerar kale oo muhiim u ah qaranka.

Waxa kale, oo uu guddoomiyaha golaha wakiilladu fadhigaas ka sheegay xildhibaano ku soo biiray golahaas ka dib markii ay geeriyoodeen mudanayaal ka tirsanaa golahaas, waxaana ka mid ahaa xildhibaannadii fadhigaas lagu soo dhaweeyey xildhibaan Bashiir Ibraahin Bakaal,  xildhibaan Axmed Cabdi Muuse, xildhibaan Xasan Xuseen iyo xildhibaan Jamaal Maxamed Warsame, wuxuuna guddoomiyuhu mudanayasha u soo jeediyey in ay soo akhristaan ajandaha kalfadhiga 44aad si dooda loo bilaabo berri, wuxuuna xusay in ay doonayaan in ay dhameystiraan xeerarka ku jira ajandaha inta aanu dhammaan kalfadhigu.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker