Beesha KALIIL ISXAAQ ee Bariga Magaaladda Hargaysa Ayaa Isku-Raacay Musharax Xasan Cabdi Maxamed Inuu U Metelo Doorashadda Gollaha Wakiiladda
Kullanka Shaacinta Musharaxa oo ka dhacay Magaaladda Hargaysa ayaa waxa kasoo qeybgalay Salaadiin,Wax-garad,Madax-dhaqameed iyo Dadweyne kale,waxaanay Beesha KALIIL ISXAAQ ku taranka Doorashadda Gollaha Wakiiladda Wakiiladda ugu caleemo-saareen Musharax Xasan Cabdi Maxamed.
Wax-garadkii iyo Labeentii kale ee halkaas ka hadashay ILAAHAY uga baryay inuu himiladaas ku guuleeyo,waxaanay ku baaqeen in si hagar la’aan ah loola shaqeeyo Musharaxa.
BEESHA ayaa waxay sheegeen in Musharax Xasan Cabdi ay u garteen inuu yahay Qofkii ugu haboonaa ee Beesha ku matali lahaa Tartanka Doorashadda Wakiiladda ee la filaayo inay qabsoomto Sannadka 2021-ka




