KHIYAAMO KHIDMAD MIYAA MISE QIIL BAY XAWAALADUHU U HAYSTAAN

Waxaan in badan is waydiiyey sababta   xawaaladaha kaleba khidmad cad iyo mid qarsoon uga qaagaan macaamiisha iyagu aan weli dhaadin
laba dhabanaada ku dhacda marka ay boqol doolar ay dirayaan. Waxaa dhacda marka aan is idhaa $100 ingiriiska ka dir in layga qaado khidmad dhan $6
ama boqlkiiba lix, haddan waxaa jir khidmad qarsoon oo ay qariyaan xawaaladu oo sidda hoosta ku cad $2.5-$3.5 ama laba iyo badh ilaa saddex iyo badh,
khidmad oo lay hoos geliyo khidmada kale, taas oo ay ku sababeeyaan (exchange rate) bedelida giniga Ingiriis ee Doolar loo rogay, maadaa oo doolar ku
yahay lacagta aduunka, ku darsoo qofka Hargeysa joogaa haddii uu lacagta ku qaado local ama lacagta dalka isna inay khidmad kale ka good weeye, la
xidhiidha siku bedelida lacagta. Haddaba markii aan u kuur galay waxay xawaaladuhu ku andacoodaan inaanu dollar ku sarifka lacagtu sal lahayn oo korna
hoos u dhaco kolna kor u kaco. Markaa waxay iska ilaaliyaan khasaare kaga yimaada sarifka. Laakiin arin sax ah maaha waayo hal doolar la garey ee saddex
dollar wayga daadegi waydey. Haddaaba waxaan is waydiin khidmadaa qarsooni sow xaraan noqon mayso. Lasoco qaybta kale

 

hilaac@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker