Haweeneey Yemeniyad Ah Oo Lasiiyay fiisaha Mareykanka.

Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u ogolaatay dal-ku-galka wadankaan Mareykanka hooyo u dhalatay dalka Yemen oo dooneysa in ay soo booqato wiilkeeda oo labo sano jir ah oo ay dhaqaatiirtu sheegeen inuu qarka u saaranyahay inuu u dhinto xanuunka kansarka maskaxda ku dhaca.

Muwaadiniinta u dhashay dalalka Yemen, Iran, North Korea, Venezuela, Libya, Somalia iyo Syria ayaanan imaan karin dalkaan Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa amar uu soo saaray ku mamnuucay sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay khatar dhinaca argagixisada ah.

Shaima Swileh ayaa lagu wadaa in ay Arbacada maanta ah soo gaadhto garoonka magaalada San Francisco halkaas oo uu ku xanuunsanayo wiilkeeda Abdullah Hassan oo ah muwaadin Mareykan ah, balse uu hadda ku jiro mashiinka caawiya bukaanada xaaladooda caafimaad ay u dhaxeyso geeri iyo nolol.

Aabaha dhalay Abdalla oo la yiraahdo Ali Hassan oo isna heysta dhalasha Mareykanka ayaa la jooga wiilka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker