Kooxo hubeysan oo 74 qof ku dilay Nigeria

Ugu yaraan 74 qof ayaa lagu dilay gobolka Benue ee dalka Nigeria labo weerar oo kala duwan oo ay fuliyeen kooxo hubeysan toddobaadkan, kadib isku dhacyo dhexmaray xoolo-dhaqato iyo beeraley, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda iyo booliisku Sabtidii.

Rabshadaha ayaa kordhay sannadihii u dambeeyay, iyadoo kororka dadku uu horseeday isku ballaarinta dhulka loo qoondeeyay beerashada, taasoo ka dhigtay in dhulka daaqa lo’da iyo reer guuraaga uu yaraado.

Afhayeenka booliiska gobolka Benue Catherine Anene ayaa sheegtay in 28 mayd laga soo saaray xero ay ku nool yihiin dad barekacayaal ah oo ku taalla deegaanka dawladda hoose ee Mgban fiidnimadii Jimcaha iyo subaxnimadii Sabtida.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa ka dambeeyay weerarkan, balse goob-joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay goobta soo gaareen, kadibna ay billaabeen in ay toogtaan dadka, waxaana halkaasi ku dhintay dad badan.

Tani waxay daba socotaa dhacdo kale oo isla gobolka Arbacadii ka dhacday, halkaas oo dad looga shakisan yahay inay xoolo dhaqato yihiin ay ku dileen dad joogay tuulada Umogidi oo tacsi ku sugnaa, sida uu Reuters u sheegay Bako Eje, oo ah guddoomiyaha Otukpo.

Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku cambaareeyay “dilkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Benue, wuxuuna faray ciidamada ammaanka inay kordhiyaan la socodka goobaha ay dhibaatadu ka dhacday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker