Tallaalka Karoonaha Oo Lagu Xidhay Xajka
Wasiirka caafimaadka ee Sucuudiga Tawfiq Al-Rabiah ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in xujeyda lagu xidho shuruudda ah inay qaataan tallaalka ka hortagga cudurka Karoona isla markaana laga baaraan degayo in tallaalka uu noqdo arrinta ugu weyn ee looga baahan yahay xujeyda marka ay tegayaan xajka, sida ay ku warrantay warbaahinta Xarameyn Shariifeyn.
“Waa in la sameeyaa guddiga u qaabilsan tallaalka la siin doono xujeyda”
Wuxuu intaas ku daray in’ khasab uu noqon doono tallaalka’ taas oo ka qeyb noqon doonto shuruudaha xajka nagu soo aadan.