TACSI KA TIMID AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA,GEERIDA MARXUUM AADAN WARSAME SICIID

Waxaan tacsi la wadaagayaa reer Warsame Siciid iyo reer Cabdi Carwo geerida Aadan Warsame Siciid oo hadda ku geeriyooday London. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa xaaskiisa Walaashay Koos Xasan Carwo iyo caruurta aan abtiga u ahay, iyo kuwa aan awoowga u ahay. Alle ha u naxariisto qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa Fardawsta sare ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo samir iyo duco.Aamiin. Adan waxuu ahaa nin cibaado badan, ehlu kheyr ah, aan waxtar mahee lahayn waxyeelo.

Waxuu ka mid ahaa haldoorkii xarakadii dhalinyarada Somaliland ee Uffo kana mid ahaa raggii taliskii Siyaad Barre xabsi dheer ku xukumay.

Aadan waxuu ahaa nin afgaaban, hogaamiye dhegeesta intaanu hadal, u hiiliya xaqqa, aan aqoon dano khaas ah kolka ay timaado danta guud, Nin raaligeliya inta wanaag doonka ah, kana dhan ahaa in dulmi doonka ah, nin naxariis badan oo danyarta u nugul.

Illaahay ha ka abaalmariyo inta uu wanaag soo falay. Waxuu gud galayaa ayaamo kheyr iyo 10ka dul xijja oo Ilaahay qiimo sare siiyey.

Axmed Xasan Carwo

Agaasimaha Guud

Baanka Dhexe ee Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker