Xulka Gobolka DAAD-MADHEEDH Oo 4 Iyo 0 Kaga Badiyey Xulka Gobolka SOOL

Ciyaar xamaasad leh oo xulalka Gobololada Daad-madheedh iyo Sool ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium, ayaa Daad-Madheedh 4 Gool iyo 0 kaga badiyey Xulka Gobolka Sool.

Ciyaartan oo ka tirsanayd Ciyaaraha gobolada Jamhuuriyada Somaliland ee sideed dhamaadka (quarter-finalka) ayaa qaybtii hore ee ciyaarta oo aan wali la kala dhalin wax goolal ah waxa kaadhka Casaanka ah loo taagay Ciyaaryahanka Lambarka 10aad u sita Xulka Daad-madheedh ee Carabayto, kaas oo ciyaarta laga saaray kadib markii uu khalad ka galay ciyaaryahan weerar uga ciyaara xulka gobolka Sool.

 

Balse qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa waxa u suuragashay in xulka Gobolka Daad-madheedh ay dhaliyaan goolkoodii ugu horeeyey oo uu u saxeexay xidiga Luusiyo daqiiqadii 61aad.

Waxaana goolkii labaad xulka Daad-Madheedh u dhaliyey ciyaaryahanka Lambarka 30aad u sitay markii ciyaartu socotay 68 daqiiqo.

 

Ciyaaryahanka xulka Daad-Madheedh ee ku ciyaarayey 9-ka ciyaartoy ayaa u muuqday kuwo goolashoodu ay darandoori yihiin, waxaanay goolkii 3aad xulka gobolka Sool ka dhaliyeen isla daqiiqadii 74aad uu u saxeexay Ciyaaryahanka Wardi Axmed.

Goolkii 4aad ayaa hadana waxyar ka dib waxa u xaqiijiyey xulka Daad-Madheedh Ciyaaryahanka Sharmaake oo dhinaca weerarka uga ciyaarada Daad Madheedh.

 

Ciyaartan maanta Hargeysa Stadium ku dhexmmartay labada Xul ee Daad-madheedh iyo Sool ayaa 90 daqiiqo ee ciyaartu ay ku dhamaatay 4 iyo 0 ay ku badiyeen Xullka Gobolka Daad-Madheedh, inkastoo 5daqiiqo oo dheeraad ah lagu daray ciyaarta ayaanay u suuragalin xulka gobolka Sool inay dhashadaan wax goolal ah.

Waxaanu sidaasi Xulka Daad-madheedh ugu gudbay Afar dhamaadka am Simi-finalka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ooh ore ay u sii joogeen gobolada Hawd iyo Hargeysa, balse Daad-mmadheedh ayaa noqonaya xulkii Ciyaaraha loogu gudbayo Simi-finalka ku badiya 4 Gool iyo 0, waxaana la filayaa inay wajihi doonaan xulka Gobolka Hawd ciyaarta dambe ee ay ciyaaraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker