Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Iyo Nuxurka Qodobbo Muhiim Ah Oo Wasiir Koore Ka Hadlay
Fadhigii 76-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qabsoomay, waxana lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo salka ku haya bogaadinta doorashadii qiimaha lahayd ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka dhawaan ka qabsoontay iyo xeerar bulshada manfac u leh.




