Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Oo la Kulmay guddida anshaxa iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddida anshaxa iyo xalinta
khilaafaadka doorashooyinka, ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddida Maxamed Axmed Bulxan.

Kulankan oo ahaa kii koowaad ee ay yeeshaan 6-da xubnood ee guddida iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ugu horayn ku bilaabmay xog-waran iyo sidii  loo xoojin lahaa hawlaha shaqo ee u baahan in laga wada shaqeeyo, maadaama oo uu  dalku galayo marxalad doorasho oo u baahan in wadajirka iyo xasiloonida bulshada la  sii xoojiyo. Lagana hortago arrimaha keeni kara khilaafaadka la xidhiidha  doorashooyinka.

Guddida ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay kulanka ay la yeesheen, waxaanay  niyad wanaag ka muujiyeen in Maxkamadda Sare ee dalku diyaar ula tahay hawlaha  shaqo ee u baahan in laga taageero guddida. Geestiisa guddoomiyaha ayaa guddida ku  bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiiri-galiyay  in ay dhex-dhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada si kalsoonida shacabku u  xooganaato, waxaanu ku hambalyeeyay dedaalada ilaa imika ay waddaan.

 

Wa bilaahi tawfiiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker