Itoobiya oo soo celineysa muwaadiniinteeda oo ay sheegtay in xaalad xun ay ku heysato Sacuudiga

Itoobiya ayaa lagu wadaa inay billowdo wajigii saddexaad oo ay 70,000 oo muwaadiniinteeda ah ay dib ugasoo celineyso Sucuudiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in muwaadiniintu ay “xaalad adag ku jiraan” inta ay ku suganyihiin dalkan carbeed.

Dib u celinta waxay bilaaban doontaa muddo laba toddobaad gudahood.

Sacuudi Carabiya ayaa weydiisay shaqaalaha ajnabiga ah ee ku nool waddankaas oo aan lahayn xuquuq sharci ah inay ka baxaan ama ay wajahaan xabsi.

Dalku waxa uu martigeliyaa dad lagu qiyaasay 750,000 oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo kala bar ka badan ay si sharci darro ah dalka ku jooga, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM.

Waxaa ka mid ah shaqaale, shaqo doon iyo qaxooti ka soo cararay colaadaha ka jira dalka Geeska Afrika.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa horay u sheegay in qaar ka mid ah muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ay Sacuudiga kala kulmaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin jirdil iyo dil.

Sacuudi Carabiya ayaa dib u celisay in ka badan 350,000 oo Itoobiyaan ah tan iyo 2017-kii, sida ay sheegtay IOM.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker