Siyaasi CC Shakuur oo Markii Ugu Horraysay La Kulmay Madaxwayne Farmaajo
Muqdisho (OWN) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir ayaa markii u horeysay faah-faahin dheeriya ka bixiyey kulamo uu sheegay inay dhex-mareen isaga iyo madaxweyne Farmaajo.
Cabdiraxmaan oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay kulan yeeshen labo mar oo keliya, tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada dalka.
Wuxuu xusay in labadaasi kulan ay dhaceen kadib markii madaxweyne Farmaajo loo doortay xilka uu hadda hayo, gaar ahaan gudihii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii.
Kulanka koowaad ee Cabdiraxmaan iyo Farmaajo ayaa ka dhacay huteelka Jazeera, kaasi oo ku yimid martiqaad uu ufidiyey madaxweynuhu, isla markaana ku qotomay hambalyo iyo talo siin, sida uu sheegay.
Waxaan ku idhi madaxweyne dadka Soomaaliyeed aad ayay u dabaal dageen oo aad ayay ku soo dhaweeyeen;
Doorashadaada waxay abuurtay rajo ka weyn tabartaada ama dowlada Soomaaliyeed tabarteeda waxa ugu weynoo aan kugu talinayo waxay tahay inaad hoos u dhigto filashada dadka ay qabaan,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Wuxuu intaas kusii daray “Wuxuu i waydiiyey ‘sideen uga dhigaa?’, Waxaa ku iri dadka la hadal ugana mahad celi soo dhaweynta waxaad u sheegtaa filashada ay qabaan oo ah .
Inaad xalineyso mushkiladaha dalka yaalo iyo awooda dowladnimada Soomaaliya taalo in aysan isku dhigmin’ oo sharax inaad dedaaleyso inta aan qaban karto u sheeg dadka si ayu dhimaan rajada iyo filashada ay qabaantaas ma yeelin ee diyaaradihii waxaa la sii kiciyey rajada.




