Man United oo Hogaanka.Premier League-ga La Wareegi doonta Haddii ay ka Badiso Burnley Usbuuc dambe

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa weerar ku qaaday kooxda ay xifiiltamaan ee Manchester United .

 

Walow ay xalay guuldarro kala kulmeen Southampton ciyaar hadal hayn badan dhalisay oo St Mary’s Stadium ka dhacday.

 

Reds ayaa guuldarro kasoo xambaartay kulankaas waxaana sabab ugu ahaa weeraryahankoodii hore ee Danny Ings oo si cajiib ah u dhammaystiray karoos ka yimid James Ward-Prowse daqiiqadiihii ugu horreeyay ee kulanka.

 

 

Klopp ayaa kulanka kaddib soo bandhigay dareenkiisa cadho ee uu ka qabo garsoore Andre Marriner kaas oo aan ku Abaalmarin laba Rikoodhe oo ay xiddigihiisu ku doodeen inay xaq u lahaayeen intii kulanku socday.

 

Klopp ayaa si dadban hadalka ugu galiyay Manchester United oo uu ku sheegay kuwo helay laba sano gudahood rigoorayaal ka badan intii ay kooxdiisu heshay shan sano iyo badh uu joogay Anfield.

 

Tababaraha ree Germany oo Sky Sports la hadlay ayaa yidhi “Manchester United laba sano gudaheed ayay ku heshay rigoodhayaal ka badan shan sano iyo badh (Aan Liverpool joogay), laakiin marmarsiiyo uma haysano caawa, maanu ahayn kuwo in ku filan wanaagsan”

 

“Muxuu Andre Marriner ku sameeyay Sadio Mane caawa, ma hubo inay taasi caadi tahay, waxay ahayd in rigoodhe loo dhigo, waxaana jirtay mar ay kubaddu gacanta ku dhacday, anigu wax fikrad ah kama haysto”

 

 

“Marmarsiiyo uma aha qaab ciyaareedka balse dhibic ayaad heli kartaa haddii laguu dhigo (Rigoodhaha), haatan waa inaanu fal-celin muujino”

 

Ugu dambayn, Man United ayaa Hoggaanka Premier League la wareegi doonta haddiiba ay guul ka gaadho Burnley toddobaadka dambe kulan baaqi u ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker